Maxaa ka cusub gobolka Tigray ee dalka Itoobiya?

Thursday September 17, 2020 - 08:50:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ka cusub gobolka Tigray ee dalka Itoobiya?

    Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in ay ka joogsatay faragelin melleteri oo ay ku sameyn laheyd gobolka Tigray ee dhaca waqooyiga wadanka kaas oo dhowaan qabsaday doorasho haldhinac ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in ay ka joogsatay faragelin melleteri oo ay ku sameyn laheyd gobolka Tigray ee dhaca waqooyiga wadanka kaas oo dhowaan qabsaday doorasho haldhinac ah.

Mas'uul Itoobiyaan ah ayaa wakaaladaha wararka usheegay in meesha ay ka baxday cabsidii laga qabay in ciidamada Federaaliga ah ay faragelin ku sameeyeen gobolka oo 9-kii bishan ay ka dhacday doorasho baarlmaani ah oo uu soo qaban qaabiyay xisbiga mucaaradka ah ee TPLF.

Siyaasiyiin ku sugan magaalada Maqalla ee caasimadda u ah Tigray waxay sheegeen in xaaladdu ay degantahay balse ay feejignaan kujiraan kumanaan katirsan ciidamada ismaamulka shacabka Tigreega.


Xukuumadda uu madaxda ka yahay Abiy Axmed ayaa lafilayaa in tallaab dhanka dhaqaalaha ah ay ka qaaddo gobolka ayna jarto lacago malaayiin dollar ah oo sanad walba ay siin jirtay ismaamulka Tigray.

Sababta loo baajiyay faragelinta melleteri ee ciidanka Itoobiya ay ku sameyn rabeen gobolka Tigray ayaa lagu sheegay cadaadis ay xukuumadda Addis Ababa lakala kulantay Mareykanka iyo Ingiriiska oo si dhow ula socda qulqulatooyinka siyaasadeed ee wadanka ka jira.

Madaxweynaha Ismaamulka Tigray ayaa isna sheegay in shacabka qowmiyadda Tigreega ay mustaqbalkooda siyaasadeed go'aan ka gaarayaan isagoo hadalladiisa laga dhadhansan karay gooni isku taag.

Falanqeeyaasha ayaa sheegaya in isku dhac melleteri aan lahuri doonin haddii uu maamulka Tigray sii wado madax adayga islamarkaana talada Itoobiya uu sii haayo Abiy Axmed.

Tan iyo markii uu Abiy Axmed noqday R/wasaaraha Itoobiya sanaddii 2017 ayay sii xoogaysteen ismariwaaga kala dhaxeeya ismaamullada Amxaarada,Oromada iyo Tigreega.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items