Macallimiin Dugsi Qur'aan oo lagu laayay deegaan katirsan Sh/dhexe.

Thursday September 17, 2020 - 13:42:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Macallimiin Dugsi Qur'aan oo lagu laayay deegaan katirsan Sh/dhexe.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dablay hubaysan ay xasuuq arxan darra ah ugeysteen macallimiin dugsi Qur'aan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawirka qaar kamid ah Macallimiinta la xasuuqay.
Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dablay hubaysan ay xasuuq arxan darra ah ugeysteen macallimiin dugsi Qur'aan.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubaysan ay xalay weerareen deegaanka Boos Muluq oo hoos taga degmada Raage Ceelle waxayna halkaas ku dilaay 6 qof oo dhammaantood ahaa Macalimiin dugsi Qur'aan.

Mid kamida dadka deegaanka ayaa SomaliMeMo u sheegay in xilligii macallimiinta ladilayay ay Subac ku jireen, mid kamida macallimiinta oo dhaawac culus uu kasoo gaaray weerarka ayaa maanta geeriyooday.

Dablayda weerarka geysatay ayaa qaab beeleed u abaabulnaa wuxuuna falkooda foosha xun uu daba socdaa colaad dad badan ay ku dhinteen oo sanadkaan gudihiisa beelo walaala ah ku dhaxmartay deegaannada dhaca xeebta Sh/dhexe.


Dilalka loo geysto dadka waxtarka u leh bulshada sida culimaa'udiinka iyo macallimiinta Qur'aanka ayaa aad ugu badan deegaannada ay xoogga ku haystaan ciidamada shisheeye halkaas oo laga huriyo aanooyinka qabiillada waana arrin qeyb ka ah waxa loo yaqaan qeybi oo xukun.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items