Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Weerar lagu dilay Xildhibaan oo ka dhacay Jowhar.

Friday September 18, 2020 - 07:53:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 4 2
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Weerar lagu dilay Xildhibaan oo ka dhacay Jowhar.

    Weerar qorshaysan oo xalay fiidkii ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayaa sababay dhimashada xildhibaan katirsan maamulka isku magacaabay 'Hirshabelle'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaashi Nuur xildhibaan katirsanaa Hirshabelle
Weerar qorshaysan oo xalay fiidkii ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayaa sababay dhimashada xildhibaan katirsan maamulka isku magacaabay 'Hirshabelle'.

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadooda sida gaarka ah utababaran ay khaarijiyeen Wasiiru dowle katirsan 'Hirshabelle".

"Howlgal gaar ah oo ciidamada mujaahidiintu ay xalay ka fuliyeen gudaha magaalada Jowhar ayay ku dileen Xaashi Nuur oo katirsanaa golaha dawaaqiidda maamulka Ridada Hirshabelle ahaana wasiiru dowlle" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Ma ahan markii ugu horraysay oo mas'uul katirsan maamulka Max'med Cabdi Waare lagu dilo magaalada Jowhar iyo hareeraheeda, horay ayaa sidaan oo kale loo dilay xildhibaanno iyo wasiirro.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items