Farmaajo oo R/wasaare umagacaabay Nin lasoo shaqeeyay Q.Midoobay.

Friday September 18, 2020 - 07:32:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo R/wasaare umagacaabay Nin lasoo shaqeeyay Q.Midoobay.

    Max'med Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay R/wasaare cusub umagacaabay dowladda Federaalka Soomaaliya bil kadib markii shaqada la eryay Xasan Cali kheyre.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Max'med Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay R/wasaare cusub umagacaabay dowladda Federaalka Soomaaliya bil kadib markii shaqada la eryay Xasan Cali kheyre.


Maxamed Xuseen Rooble oo muddo sanada ah u shaqeynayay hay'adaha Q.Midoobay ahna Qurbajoog ayaa loo magacaabay R/wasaaraha cusub kaasi oo xilka hayn doono muddo 143 maalmood ah xilligaas oo uu ku egyahay waqti xileedka Farmaajo.

57 sanan jirkan wada shaqeynta wanaagsan laleh shisheeyaha ayaa sanaddii 1963-dii ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug, ma aheyn nin horay ugusoo jiray siyaasadda Soomaaliya balse Xasan Cali Kheyre ayuu mar lasoo shaqeeyay.


Waqtiga R/wasaare loo magacaabay Maxamed Xuseen Rooble ayaa ah waqti ay marxalad xasaasi ah marayso dowladda Federaalka mudda xileedkeeduna uu  gabaabsi yahay islamarkaana ay tafaha uga dheganyihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo waxa loogu yeero beesha caalamka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items