Weeraro khasaara dhaliyay oo ka dhacay Beled Weyne iyo Kudhaa.

Saturday September 19, 2020 - 12:21:20 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro khasaara dhaliyay oo ka dhacay Beled Weyne iyo Kudhaa.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weeraro hubaysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weeraro hubaysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ugu yaraan sedax askari ay dhaawacmeen kadib markii weerar Bambaano lagu qaaday isku imaatin ay maandooriyaha khaadka ku cunayeen ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Booliska.

Dhinaca kale weerar ka dhacay deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sababay dhimashada hal askari, ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al Shabaab ay toogteen maleeshiyaad kaba qaad u ah ciidamada gummeysiga Keny ee saldhigga ku leh Jaziiradda Kudhaa.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items