Gabar 5 sana jir ah oo lagu kufsaday magaalada Muqdisho.

Sunday September 20, 2020 - 09:42:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabar 5 sana jir ah oo lagu kufsaday magaalada Muqdisho.

    Magaalada Muqdisho waxaa kusii kordhaya falalka anshax xumada ah ee lagula kacayo dumarka Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho waxaa kusii kordhaya falalka anshax xumada ah ee lagula kacayo dumarka Soomaaliyeed.


Isbuucii lasoo dhaafay waxaa lakufsaday gabar 19 sana jir ah kadib markii lageeyay Hoteel kuyaal degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Fal midkaas lamid ah oo naxdin leh ayaa shalay ka dhacay mid kamida xaafadaha degmada Kaaraan halkaas oo lagu kufsaday gabar 5 sana jir ah.

Sida ay sheegeen ehelkeeda canugtan aadka uyar waxaa fara xumeeyay nin daris la ahaa kadibna iyadoo xaalad halis ah ku sugan ayaa loola cararay isbitaalka Digfeer halkaas oo lagula tacaalayo.


Inta badan kiisaska kufsiga ka dhanka ah dumarka ee Muqdisho lagasoo calaamadeeyay waxaa geystay askar katirsan dowladda Federaalka, xumaantan waxaa faafinaya hay'ado shisheeye oo saaxiib la ah dowladda waxaa sidoo kale qeyb ka qaadanaya warbaahinta cadowga oo dhiiri gelinaysa fuxshiga sida heesaha iyo qaawanaanta.

Baarlamaanka DF-ka waxaa horyaalla xeer liwaadka banaynaya islamarkaana dumarka ku dhiirigelinaya in ay gogol dhaaf sameeyaan arrimahaan oo idil ayaa banaanka soo dhigaya sida 'Beesha caalamka' ay ula dagaallamayso Islaamka iyo ehehlkiisa.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items