Duqeymo 40 qof Shacab ah ay ku dhinteen oo ka dhacday dalka Afghanistan.

Sunday September 20, 2020 - 13:38:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqeymo 40 qof Shacab ah ay ku dhinteen oo ka dhacday dalka Afghanistan.

    Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in duqeyn khasaara badan dhalisay ay ka dhacday magaalo katirsan wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in duqeyn khasaara badan dhalisay ay ka dhacday magaalo katirsan wadankaasi.


Ugu yaraan 30 ruux oo shacab ah ayaa dhintay tobanaan kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ay diyaaradaha dagaalka xukuumadda Kaabuul ay duqeeyeen deegaan uu ka jiro maamul islaami ah.

Degmada Khaan Abaad oo ah goobta ay duqeyntu ka dhacday waxaa laga dareemayaa burbur xooggan, ilo wareedyo deegaanka ah ayaa sheegay in duqeyntu ay haleeshay isku imaatinno madani ah waxaana dhici karta in khasaaruhu ay intaas kasii bataan.

diyaarado dagaal oo dowladda Mareykanka ay ugu deeqday xukuumadda camiilka ah ayaa la sheegay in ay si aad ah uduqeeyeen dhismayaal ay dad shacab ah ku sugnaayeen, goob joogayaal ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in ay arkeeyn meydadka 16 qof oo ubadan carruur iyo haween kuwaas oo daadsanaa goobta ay musiibadu ka dhacday.


xukuumadda camiilka ah ee fadhigeedu yahay magaalada Kaabuul ayaa fagtii hore ee dhacdadan isku dayday in ay warbaahinta ka gaddo in goobta la duqeeyay ay aheyd mucaskar ay leeyihiin dagaalyahannada Taliban balse markii dambe waxaa goobta gaaray wariyaal sidaas ayuuna ku fashilmay isku daygii lagu qarin lahaa jariimadan aadka ufoosha xun.

War rasmi ah oo kasoo baxay Taliban ayaa lagu sheegay in 40 qof shacab ah ay ku dhinteen duqeyntan bahalnimada ah, arrimahan waxay imaanayaan xilli magaalada Dooxa ee wadanka Qadar ay dhowaan ka furmeen wadahadallo udhaxeeyay dhinacyada ku dagaallamaya Afghanistan

Related Items