Ciidamo American ah iyo Maleeshiyaadka dowladda oo 8 qof shacab ah ku dilay Sh/hoose.

Monday September 21, 2020 - 17:04:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo American ah iyo Maleeshiyaadka dowladda oo 8 qof shacab ah ku dilay Sh/hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xasuuq dad shacab ah loogu geystay deegaan katirsan gobolka Sh/hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xasuuq dad shacab ah loogu geystay deegaan katirsan gobolka Sh/hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.


Maleeshiyaadka Mareykanku tababaray ee Bangaraafta loo yaqaan ama Danab ayaa xasuuq arxandarra ah ka geystay deegaan hoos yimaad degmada Tooratooroow.

Wararka ka imaanaya tuulada Mooyiloow oo qiyaastii 7Km ujirta Tooratooroow ayaa sheegaya in ciidamo American ah iyo Maleeshiyaad la socday ay xalay saqdii dhexe ku werareen dad socoto ah.

ilo wareedyo deegaanka ah ayaa xaqiijinaya in maleeshiyaadka Danab ee lagu tababaray saldhigga Balidoogle ay gudaha Masjid jaamaca tuulada Mooyiloow ku dileen illaa 8 ruux oo dhammaantood ahaa masaafur dhax jiifay masjidka.


Dadka deegaanka waxay sheegeen in nin darawal ah iyo qof haween ah ay ku dhaawacmeen weerarka waana labada qof kaliya ee ka badbaaday weerarkii xalay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dadka dhintay ay kamid yihiin 2 wiil walaalo ah islamarkaana ahaa ganacsato caan ah, maleeshiyaadka Bangaraafta ayaa markii ay dadka ku dhax xasuuqeen masjidka waxay burbur ugeysteen isla masjidka waxayna udhaqaaqeen dhanka garoonka diyaaradaha Balidoogle oo saldhig weyn u ah ciidanka Mareykanka.

Ciidamo American ah ayaa maleeshiyaadka Danab diyaarado ku geeyay duleedka goobta xasuuqu ka dhacay kadibna iyaga ayaa ugelbiyay dhanka Balidoogle.

Maleeshiyaadka Bangaraafta ee Balidoogle lagu tababaray waxay rarteen dukaamadii tuulada Mooyiloow waxaana halkaas ka dhacay xasuuq iyo bililiqo baahsan.

Ma ahan markii ugu horraysay ee maleeshiyaadka Mareykanku tababaray ee Danab ay dad shacab ah ku xasuuqaan deegaanno katirsan Sh/hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items