Dagaal lagu dilay ciidamo katirsan Galmudug oo ka dhacay Galguduud.

Monday September 21, 2020 - 10:46:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • Visits: 918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal lagu dilay ciidamo katirsan Galmudug oo ka dhacay Galguduud.

    Dagaal khasaara badan dhaliyay ayaa ka dhacay deegaan dhaca duleedka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal khasaara badan dhaliyay ayaa ka dhacay deegaan dhaca duleedka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.


Wararka ka imaanaya bartamaha dalka Soomaaliya aya sheegaya in iska hor'imaadyo culus ay ka dhaceen deegaan kaabiga ku haya garoonka diyaaradaha degmada Dhuusamareeb.

Dagaalka oo muddo ka badan saacad qaatay ayaa udhaxeeyay ciidamada Al Shabaab iyo maleeshiyaad daacad u ah maamulka isku magacaabay Galmudug.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in deegaanka Miirdugulle oo qiyaastii 11Km ujira xarunta gobolka Galguduud uu ka dhacay dagaal aad uculus oo ay ka qeyb qaadanayeen gaadiidka dagaalka.


War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in sedax askari oo katirsan Galmudug lagu dilay halka 8 kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Intii uu dagaalku socday ayay ciidamada Al Shabaab gubeen gaari Tiknika ah oo ay lahaayeen maleeshiyaadka Galmudug, dagaalka oo soo bilaawday saaka waaberigii ayaa soo gaaray maanta barqadii.

Warar lagu kalsoonaan karo waxay tibaaxayaan in weerar xooggan uu qabsaday ciidamada AMISOM ee saldhigga ku leh garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kadibna ay maleeshiyaadka Galmudug ka dhigteen carratuur iyaga ayuuna gaaray khasaaraha ugu xooggan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items