Wiil dhalinyara ah oo si Arxan darra ah loogu dilay Muqdisho.

Monday September 21, 2020 - 08:21:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil dhalinyara ah oo si Arxan darra ah loogu dilay Muqdisho.

    Ciidamo katirsan dowladda Federaalka ayaa markale qof shacab ah ku dilay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo katirsan dowladda Federaalka ayaa markale qof shacab ah ku dilay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Maanta barqadii ayuu askari boolis ah darawal Moota Bajaaj ku dilay xaafadda Soona Kay ee degmada Hodon.

Goob joogayaal ayaa sheegay in askari hubaysan uu dilay wiil dhalinyara ah oo lagu magacaabo Bile Cali Diini kadibna askariga ayaa goobta isaga baxsaday.

Wiilka dhalinyarada ah ee darawalka ka ahaa Moota Bajaajta ee ladilay ayaa iska diiday in uu bixiyo lacago baad ah oo uu ka dalbaday askariga Booliska ah ee faldambiyeedka geystay.


Ciidamada DF-ka ayaa magaalada Muqdisho ku dilay tobanaan kamid ah darawallada moota Bajaajta arrinkaan oo dadku u arkaan fal gurracan oo lagu beegsanayo dhalinyrada sida madaxa banaan ushaqeysta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items