Dowlad Carbeed oo mowqif adag iska taagtay qadiyadda Falasdiin dhaleecayna ujeedisay Yahuudda.

Monday September 21, 2020 - 16:54:13 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlad Carbeed oo mowqif adag iska taagtay qadiyadda Falasdiin dhaleecayna ujeedisay Yahuudda.

    Xilli inta badan dowladaha Dawaaqiidda Khaliijka Carabta ay usii ruclaynayaan in ay caadiyeeyaan xiriirka ay laleeyihiin maamulka Yahuudda Sahyuuniyadda ayuu dal dhaca waqooyi Afrika qaatay mowqif kaas ka duwan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli inta badan dowladaha Dawaaqiidda Khaliijka Carabta ay usii ruclaynayaan in ay caadiyeeyaan xiriirka ay laleeyihiin maamulka Yahuudda Sahyuuniyadda ayuu dal dhaca waqooyi Afrika qaatay mowqif kaas ka duwan.


Xukuumadda Al Jazaa'ir ayaa si kulul ucambaaraysay tallaabada ay dowladaha Imaaraatka Carabta iyo Baxrayn ay ku caadiyeeyeen cilaaqaadka Yahuudda ayna ukhiyaameeyeen qadiyadda Falasdiin.

Madaxweynaha Aljazaa'ir Abdul madjid Tebboune ayaa qadiyadda Falasdiin ku tilmaamay mid agtiisa ka ah muqaddas wuxuuna muujiyay taageerada uu u hayo arrinkaas "arrinta Falastiin waa hooyada qadiyadaha arrimaha Bariga Dhexe waana arrin muqaddas ah ayuu yiti Cabdul Majiid.


Isagoo wareysi siinayay wakaaladda wararka ufaafisa xukuumadda Aljazaa'ir ayuu ku dheeraaday dhaleecaynta dowladaha caadiyaynaya cilaaqaadka Yahuudda wuxuuna ku sifeeyay khiyaano lagalay shacabka Falasdiin.

Wuxuu ballan qaaday in dowladdiisu ay taageero hagar la'aaneed siin doonto kooxaha muqaawamada Falasdiin islamarkaana aysan aqoonsan doonin dadaallada socda ee lagu xoojinayo Yahuudda.

Dhinaca kale kooxaha muqaawamada Falasdiiniyiinta ayaa tallaabadan si aad ah usoo dhoweeyay waxayna sheegeen in ay bogaadinayaan mowifka Al Jazaa'ir sida uu caddeeyay afhayeenka rasmiga ah ee Xamaa Sami Abu Zuhri, wuxuu amaanay mowqifka Algeria ee arinta Falastiin."

Hadalka Abdel Majid Tebboune ayaa imanaya todobaad ka dib markii la saxeexay heshiiskii caadiyayna cilaaqaadka ee u dhexeeyay Imaaraatka Carabta iyo Baxrayn oo dhinac ah, iyo maamulka Israa’iil dhinac ah waxaana dhagartaas soo agaasimay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Related Items