Mareykanka oo dib ucusboonaysiiyay Cunaqabateymihii saarnaa Iiraan.

Monday September 21, 2020 - 17:01:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo dib ucusboonaysiiyay Cunaqabateymihii saarnaa Iiraan.

    khilaafka udhaxeeya Mareykanka iyo dowladda Shiicada Iiraan ayaa waji cusub lasoo baxay kadib markii xukuumadda Washington ay iclaamisay in ay dib usoo celinayso dhammaan cunaqabateymihii horay loogusoo rogay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

khilaafka udhaxeeya Mareykanka iyo dowladda Shiicada Iiraan ayaa waji cusub lasoo baxay kadib markii xukuumadda Washington ay iclaamisay in ay dib usoo celinayso dhammaan cunaqabateymihii horay loogusoo rogay.



Wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka Make Pompeo ayaa maalintii sabtiga sheegay in Mareykanku uu soo dhoweynayo qaraarka kasoo baxay UN-ka ee dhigayay in dhammaan cunaqabateymihii caalamiga ahaa dib loogu celinayo dowladda iiraan.

"Mareykanku wuxuu soo dhaweynayaa dib usoo celinta dhammaan cunaqabateyntii Qaramada Midoobay ee horay looga saaray Jamhuuriyadda Iran,” ayuu Pompeo ku dhawaaqay. Wuxuu sharaxaad ka bixiyay in cunaqabateyntu ay dhaqan gali doonto laga bilaabo maalinta Axadda.



Xukuumadda Shiicada Iiraan oo aad uga naxday go'aanka kasoo baxay waxa loogu yeero Q.Midoobay iyo ku digashada mareykanka ayaa sheegtay in waxa lagu eedeeyay ay dhammaantood yihiin been abuur ladoonayo in lagusii adkeeyo go'doomintii lagu hayay.

Pompeo wuxuu intaas ku daray "Haddii waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay ku guuldareystaan ​​inay gutaan waajibaadkooda hirgelinta cunaqabateyntan, Mareykanka wuxuu diyaar u yahay inuu adeegsado awoodihiisa gudaha si aan ugu soo rogo cunaqabateymo saameeya Nidaamka Tahran".

Iiraan ayaa loo arkaa in ay ciriiri dhanka awoodda melleteriga ah ku hayso Yahuudda marka lajoogo mandiqadda bariga dhexe sidaas daraadeedna uu mareykanku doonayo in uu tafaha qabto.

Nidaamka shiiciga ah ee kajira magaalada Tahraan ayaa muddo sanada ah dadaal ugu jiray sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa hubka wax baabi;iya ee niyugleerka.


Related Items