Al Shabaab oo sheegtay Mas'uuliyadda Weeraro Askar Kenyaan ah lagu dilay.

Tuesday September 22, 2020 - 12:20:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegtay Mas'uuliyadda Weeraro Askar Kenyaan ah lagu dilay.

    Weerar hor leh oo khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada Kenya ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno katirsan dhulka Soomaalida NFD ee ku jira gummeysiga Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar hor leh oo khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada Kenya ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno katirsan dhulka Soomaalida NFD ee ku jira gummeysiga Kenya.


Dagaalyahanno aad uhubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar toos ah ku qaaday ciidamo boolis ah ku sugnaa inta udhaxaysa tuulooyinka Harwaleey iyo Dabaasiti oo hoostaga degmada Mandhaara.

Ciidamada Kenya ayaa rasaas iyo garneellada garbaha laga gemo kala kulmaya xoogaga jihaadiga ah ee weerarka qaaday waxaana rumeysanyahay in uu jiro khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.


Weerar kale oo isna lagu beegsaday ciidamo Kenyaan ah ayaa ka dhacay inta udhaxaysa deegaannada Lafeey iyo deegaanka Ceelwaaq Kenya, war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkan lagu dilay 1 askari Keyaan ah islamarkaana lagu dhaawacay laba kale.

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in ay weeraro cusub kala kulantay Al Shabaab, Afhayeen uhadlay booliska Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in hal askari ay ku waayeen weeraradii shalay ka dhacay gobolka Mandheera.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items