Darawalkii khaaska ahaa ee Shariif Sheekh Axmed oo Meydkiisa laga helay Hoteel Muqdisho kuyaal!

Tuesday September 22, 2020 - 12:10:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Darawalkii khaaska ahaa ee Shariif Sheekh Axmed oo Meydkiisa laga helay Hoteel Muqdisho kuyaal!

    Sarkaal sare oo katirsanaa madaxtooyada Villa Somalia ayaa si layaab leh loogu dilay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Meydka shariif Doofil ayaa laga helay Hotel Ridwaan
Sarkaal sare oo katirsanaa madaxtooyada Villa Somalia ayaa si layaab leh loogu dilay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Shariif Doofil oo hore u ahaa darawalkii gaarka ahaa ee Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay meydkiisa laga helay Hoteelka Ridwaan ee degmad Xamajar jajab ee goboka Banaadir.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in dilka sarkaalka ay ka dambaysay haweenay u shaqeysay mid kamida wasaaradaha dowladda balse lama oga waxa ay u adeegsatay dilka waxaase loo badinayaa in lasumeeyay.


Col. Shariif Doofil ayaa hadda kamid ahaa saraakiisha Villa Somalia balse Afartii sano ee Shariif Sheekh Axmed uu ahaa madaxweynaha ayuu darawal u ahaa.

Sarkaalkan meydkiisa lahelay ayaa tababarro ciidanimo kusoo qaatay dalka dibaddiisa sida Uganda,Itoobiya iyo Kenya wuxuuna kamid ahaa saraakiisha sida aadka ah loogu kalsoonyahay.

Dadka qaar ayaa arrintan u arka billaawga dilal qorshaysan oo lagu fulinayo saraakiisha ujanjeera dhanka mucaaradka gaar ahaan shariif, horay ayaa qaab mugdi badan kujiro loogu dilay taliyihii maleeshiyaadka Gorgor oo aad ugu dhowaa Shariif Sheekh Axmed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items