Mas'uuliyiin katirsan Dowladda Suudaan oo Saraakiil Yahuud ah kula kulmay dalka Imaaraatka Carabta.

Tuesday September 22, 2020 - 19:31:58 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uuliyiin katirsan Dowladda Suudaan oo Saraakiil Yahuud ah kula kulmay dalka Imaaraatka Carabta.

    Magaalada Abu Dubai ee wadanka Isku tagga Imaaraatka Carabta waxaa ka furmay shir ay ka qeyb gelayso dowladda Suudaan kaasi oo lagu doonayo in lagu caadiyeeyo xiriirka Yahuudda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Abu Dubai ee wadanka Isku tagga Imaaraatka Carabta waxaa ka furmay shir ay ka qeyb gelayso dowladda Suudaan kaasi oo lagu doonayo in lagu caadiyeeyo xiriirka Yahuudda.


Madaxa golaha siyaadada Suudaan Cabdi Fataax Alburhaani iyo wasiirka cadaalladda ayaa ku sugan Imaaraatka waxayna kulamo laleeyihiin mas'uuliyiin American ah oo dadaal ugu jira sidii Suudaan ay caadi uga dhigi laheyd cilaaqaadka kala dhaxeeya Yahuuudda.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Alkhurduum ayaa sheegay in kulamada ka socda Abu Dubai aan lagu meteleayn dowladda Suudaan, siyaasiyiin ayaa warbaahinta u sheegay in Mareykanka iyo Imaaraatka ay dadaal ugu jiraan sidii Suudaan ay ugu dhawaaqi laheyd in ay ku biirtay Tareenka Tadbiica si looga qaado cunaqabateymaha dhanka dhaqaalaha ah ee lagusoo rogay.


Dowladaha Imaaraatka iyo Baxrayn ayaa horay ugu iclaamiyay in ay lasaaxiibeen Yahuudda iyagoo dhabarka ka duray qadiyadda Falasdiin ee soo jireenka ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items