Keydkii Shidaalka ciidanka Kenya ee Hoosingoow oo Weerar lagu gubay iyo warar kale.

Wednesday September 23, 2020 - 12:01:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Keydkii Shidaalka ciidanka Kenya ee Hoosingoow oo Weerar lagu gubay iyo warar kale.

    Dagaalyahanadda Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro xooggan ku qaaday saldhigyo ay Soomaaliya uga suganyihiin ciidamada shisheeyaha Jinsiyadaha kala duwan leh iyo maleeshiyaadka dabadhilfyada u ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahanadda Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro xooggan ku qaaday saldhigyo ay Soomaaliya uga suganyihiin ciidamada shisheeyaha Jinsiyadaha kala duwan leh iyo maleeshiyaadka dabadhilfyada u ah.

Wararka ka imaanaya Jubbooyinka ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe weeraro lagu miray dhowr saldhig oo ay ku sugnaayeen ciidamada gummeysiga Kenya.

Dagaalyahanno aad u hubaysan ayaa weerar toos ah ku qaaday saldhigga ciidamada KDF ay ku leeyihiin deegaanka Hoosingoow, dagaal culus oo laysku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay deegaanka.

Warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in intii uu weerarku socday uu dab qabsaday Keydkii shidaalka ciidamada Kenya ee deegaanka Hoosingoow, sidoo kale Al Shabaab ayaa weeraray saldhig ay isla ciidamada gummeysiga Kenya ku leeyihiin jaziirada Kudhaa ee Jubbada Hoose balse lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradan.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items