Baarlamaanka oo codka kalsoonida siiyay Max'med Xuseen Rooble.

Wednesday September 23, 2020 - 13:25:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka oo codka kalsoonida siiyay Max'med Xuseen Rooble.

    Kadib fadhi ay xilhibaannada baarlamaanka Dowladda Federaalka ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay codka kalsoonida kusiiyeen R/wasaaraha cusub ee dhowaan la magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib fadhi ay xilhibaannada baarlamaanka Dowladda Federaalka ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay codka kalsoonida kusiiyeen R/wasaaraha cusub ee dhowaan la magacaabay.


Max'med Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta barqadii xildhibaannada baarlamaanka hor geeyay Max'med Xuseen Rooble kadibna xildhibaannada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay.

215 xildhibaan oo ku sugnaa madashii kulanka ayaa qaab gacan taag ah u ansixiyay R/wasaaraha cusub sida uu sheegay Max'med Mursal oo ku magacaaban guddoomiyaha baarlamaanka.

R/wasaaraha cusub ayaa lafilayaa in uu dhowaan soo dhiso golihiisa wasiirrada, tallaaban ayaa kusoo aadaysa xilli marxalad xasaasi ah ay marayso siyaasadda DF-ka islamarkaana ay soo dhowyihiin doorashooyinka madaxtinimada iyo kuwa baarlamaanka.


Max'med Xuseen Rooble waxaa u harsan wax ka yar 140 maalmood oo ku eg waqti xileedka Farmaajo waxaana lays weydiinayaa waxa uu qaban doono mudadaas aadka uyar.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items