Sawirro: Maamulka 'Somaliland' oo ciidamo dheeraad ah iyo gaadiid gaashaaman geeyay Tukaraq.

Wednesday September 23, 2020 - 09:53:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Maamulka 'Somaliland' oo ciidamo dheeraad ah iyo gaadiid gaashaaman geeyay Tukaraq.

    Xiisado colaadeed ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno katisan gobolka Sool ee dalka Soomaaliya halkaas oo ay isku hor fadhiyaan ciidamo iskasoo horjeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisado colaadeed ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno katisan gobolka Sool ee dalka Soomaaliya halkaas oo ay isku hor fadhiyaan ciidamo iskasoo horjeeda.


Maamulka isku magacaabay 'Somaliland' ayaa ciidamo dheeraad ah iyo gaadiid gaashaaman geeyay jiidda hore ee dagaalka halkaas oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada maamulka 'Puntland'.

Jeneraal C/risaaq Af Guduud oo ah taliyaha ugu sarreeya ciidamada Melleteriga maamulka Somaliland oo wada gaadiid gaashaaman ayaa gaaray tuulada Tukaraq oo ah aag ay laba ciidan isku hor fadhiyaan.

Sawirro goobta lagasoo qaaday ayaa muujinayay gaadiidka Taangiyada iyo ciidamo aad uhubaysan oo kusii qulqulaya Tukaraq, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dhanka maamulka 'Puntland' oo ku saabsan dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka yimid dhanka maamulka Hargeysa.




Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items