Fagaara kuyaal degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ayaa shalay gelinkii dambe lagu dilay Nin sixiroole ah oo muddo sanada ah ku shaqeysanayay sixirka xaaraanta ah.
Maxkamadda islaamiga wilaayada Jubbooyinka ayaa xukun dil ah ku ridday nin lagu magacaabi jirayAxmed Kuusane Xasan kaasi oo ciidamada xisbada ay kasoo qabteen tuulo katirsan deegaannada Jooraha loo yaqaan ee Jubbada Hoose..
Qaadiga maxkamadda islaamiga ah ee Jubbooyinka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ninka dambiilaha ah uu caan ku ahaa in uu sixir ku kala geeyo ragga iyo haweenka isqaba isagoona dhib weyn ugeystay qoys aroos ahaa.
Maamulka islaamiga degmada Jilib ayaa toogasho ku dilayAxmed Kuusane Xasan oo ahaa Saaxir dhib ku hayay dadka ku dhaqan tuulada Garaseey Kuusa ,Shareecada islaamka ayaa faraysa in qofka saaxirka ah ladilo oo fasaadkiisa adduunka laga hor leexiyo.
Halkan ka dhageyso Qaadiga oo akhrinaya xukunka Saaxirka MP3
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]
Dhageyso: Maxkamadda Islaamiga Jubbooyinka oo xukun dil ah ku ridday Nin Saaxir ahaa.
Fagaara kuyaal degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ayaa shalay gelinkii dambe lagu dilay Nin sixiroole ah oo muddo sanada ah ku shaqeysanayay sixirka xaaraanta ah.