DAWLADDA LABADA AQAL W/Q Suldaan Garyare.

Thursday September 24, 2020 - 05:15:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAWLADDA LABADA AQAL W/Q Suldaan Garyare.

    Berigii uu dalku u qaybsanaa hoggamiyeyaasha dagaalka (warlords) ayaa degmo ama deegaan ka mid ah dalka Soomaaliya waxa ka jiray nin Janan ah oo la oran jiray "Jananka laba ciidan", waxaana loogu bixiyey laba ciidan oo ah laba reer oo mid m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berigii uu dalku u qaybsanaa hoggamiyeyaasha dagaalka (warlords) ayaa degmo ama deegaan ka mid ah dalka Soomaaliya waxa ka jiray nin Janan ah oo la oran jiray "Jananka laba ciidan", waxaana loogu bixiyey laba ciidan oo ah laba reer oo mid magaalada ku sugan yahay, midka kalena magaalada soo weeraro ayuu labadaba hoggaamiye u ahaa.


Waxaa dadkii deegaanka ku sugnaa ay xaqiijiyeen in uu labada ciidan uu midba mar war isgaarsiinta kula hadli jiray oo uu halka ka hoggaamin jiray taasina waxa ay keentay in dagaalkii degmadaasi dhammaan waayey ilaa ugu dambayntii kuwii magaalada ku sugnaa iyo kuwii soo weerarayeyba gacantooda laga maroojiyey oo qolo kale oo ka qaab duwan kuwii qabiilka isu hayey ay gacanta u gasho, halkaasna uu ku soo dhammaado taliskii janankii labada ciidan.


Hadda waxa Xamar ka jira dawlad aan anigu ugu magac daray "Dawladda labada aqal”. Waxa jira in qolada fadhida Villa Somalia meesha ay kaga sugan yihiin dalka ama Xamarba ay tahay Villa Somalia iyo jidka hor mara ee la yiraahdo jidka Jamhuuriyadda ama Maka Mukarama, halkaas ayeyna warbaahinta kala hadlaan, ciddii iyaga dhegeysatana wax ugu sheegaan. Waxa kale oo jira aqal kale oo la yiraahdo Xalane oo fariisin u ah shisheeyaha dalka ka arrimiya, oo isna ah aqal qolada Villa Somalia iyo kuwa gobolladaba wax loogu sheego markii la doonayo in farriin la faro.

Qolada Xalane fadhidaa ma awooddo in ay Villa Somalia soo gaaraan, amnidarro ay dareemayaan aawadeed, balse qolada Villa Somalia waxa lagu soo xambaaraa dabaabaadka ciidammada shisheeye, dabadeedna iyaga ayaa dib loogu ceshaa markii ammarradii la doonayey la faro. Haddaba miyaan la oran karin waa dawladda labada aqal.

W/Q Dr Suldaan Garyare

Related Items