Dhaxal sugaha dalka Baxreyn iyo R/wasaaraha Yahuudda oo wadahadalay.

Thursday September 24, 2020 - 11:02:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaxal sugaha dalka Baxreyn iyo R/wasaaraha Yahuudda oo wadahadalay.

    Boqortooyada dabadhilifka Baxreyn ayaa bilaawday dhaqan gelinta heshiiskii saaxiibtinimada ahaa ee ay dhowaan lagashay maamulka Yahuudda Sahyuuniyadda xoogga ku haysta dhulalka muslimiinta Falasdiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqortooyada dabadhilifka Baxreyn ayaa bilaawday dhaqan gelinta heshiiskii saaxiibtinimada ahaa ee ay dhowaan lagashay maamulka Yahuudda Sahyuuniyadda xoogga ku haysta dhulalka muslimiinta Falasdiin.


Salmaan Bin Xamad Aala Khaliifa oo ah dhaxal sugaha Baxreyn iyo Bin Yamiin Netenyaahu R/wasaaraha Yahuudda ayaa wadahadalkii ugu horreeyay ku yeeshay khadka taleefanka waxayna islasoo qaadee bogga cusub ee ufurmay xiriirkooda.

Wakaaladda wararka ee ku hadasha afka xukuumadda Baxreyn ayaa sheegtay in labadan nin ay kawada hadleen waxa ay ugu yeertay nabadda bariga dhexe iyo iskaashiga dhan walba ah ee dhaxmari doono dhowaan.

R/wasaaraha Yahuudda ayaa isna umahad celiyay maamulayaasha Baxreyn wuxuu ku ammaanay go'aanka ay qaateen ee ay kula saaxiibeen Yahuudda.

Dowladda Baxreyn ayaa noqotay dowlada labaad oo carab ah ee xiriirka lasameysatay yahuudda waxaana uga horreeyay imaaraatka carabta.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items