Kooxaha Siyaasadda Falasdiin oo iclaamiyay Doorashooyin madaxtinimo.

Thursday September 24, 2020 - 17:48:27 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxaha Siyaasadda Falasdiin oo iclaamiyay Doorashooyin madaxtinimo.

    Xilli qadiyadda Falasdiin ay wajahayso halis aad uweyn ayay kooxaha siyaasadda ku lugta leh ee kajira wadankaas waxay ku dhawaaqeen heshiis hordhac ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli qadiyadda Falasdiin ay wajahayso halis aad uweyn ayay kooxaha siyaasadda ku lugta leh ee kajira wadankaas waxay ku dhawaaqeen heshiis hordhac ah.


Ururada Fatax iyo Xamaas ayaa iclaamiyay in ay ku heshiiyeen qaban qaabinta doorashooyin madaxtinimo iyo kuwa baarlamaan muddo lix bilood gudahood ah.

Laba Mas'uul oo u hadlay Fatax iyo Xamaas ayaa sheegay in labada dhinac ay ka shaqeyn doonaan sidii doorashooyin guud ay uga dhici lahaayeen deegaanada Marinka Ghaza iyo daanta galbeed ee Webiga Urdun.

Doorashooyinkan ayaa dhici doono Lix bilood gudahood waxayna umuuqdaan kuwa lagu raalli gelinayo dowladaha iyo Ururada taageera waxa loogu yeero faafinta Dimuquraadiyadda.


Tallaabadan ayaa larumeysanyahay in ay qeyb ka tahay mashaariicda lagu kala qeybinayo Shacabka Falasdiin oo cadaadis dhan walba ah ka wajahaya Yahuudda,Mareykanka iyo qaar badan oo kamid ah dowladaha dawaaqiidda Carabta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items