Weeraro Khasaare dhaliyay oo ka dhacay Taabto iyo Afgooye.

Thursday September 24, 2020 - 17:54:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Khasaare dhaliyay oo ka dhacay Taabto iyo Afgooye.

    Weerar khasaara dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay ayaa ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar khasaara dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay ayaa ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.


Wararka ka imaanaya Afgooye ayaa sheegaya in xoogag hubaysan oo Al Shabaab katirsan ay weerar ku qaadeen isku imaatin ay maleeshiyaadka dowladda uga sugnaayeen degmada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarka ay ku dhinteen hal askari halka 2 kale ay dhaawacyo kasoo gaareen.

Dhinaca kale saldhigga ciidanka Kenya ee deegaanka Taabto ayaa weerar xooggan kala kulmay dagaalyahanno katirsan Al Shabaab, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo hugunka rasaas lays dhaafsanayay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items