Dagaal ooge Ruugcaddaa ah oo madaxweyne ka noqday ismaamulka Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya [Warbixin].

Saturday September 26, 2020 - 09:17:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 6
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal ooge Ruugcaddaa ah oo madaxweyne ka noqday ismaamulka Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya [Warbixin].

    Waxaa lasoo gaba gabeeyay doorashooyinkii madaxtinimo iyo kuwii baarlamaan ee ismaamulka qowmiyadda Tigreega wadanka Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa lasoo gaba gabeeyay doorashooyinkii madaxtinimo iyo kuwii baarlamaan ee ismaamulka qowmiyadda Tigreega wadanka Itoobiya.


Wararka ka imaanaya waqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in dabaal degyo iyo iskusoo baxyo ay bilaabeen kooxaha sida aadka umucaaradsan xukuumadda Abiy Axmed.

Siyaasi dagaal ooge ruugcaddaa ah ayaa majarah uqabtay ismaamulka gobolka Tigray oo si aad ah ugasoo horjeeda dowladda Federaalka Itoobiya.

Dr. Debretsion Gebremichael guddoomiyihii jabhadda TPLF ahaana dagaal ooge caan ka ah mandiqadda ayaa loo doortay in uu madaxweyne u noqdo gobolkan xiisaduhu ka jiraan.


Saacado kadib doorashadiisi ayuu Debretsion Gebremichael sheegay in uu ku dadaali doono sidii shacabka Tigray ay uga dhabayn lahaayeen himiladooda ah gooni isku taag.

Ninkan ayaa horay usoo noqday R/wasaare ku xigeen,Jeneraal ciidan iyo hoggaamiyaha Jabhadda hubaysan ee TPLF, warbaahinta Itoobiya ayaa ninkan ugu yeerta dagaal ooge ruugcaddaa ah.

Debretsion Gebremichael wuxuu si aad ah cadaawad ugu qabaa Abiy Axmed iyo golihiisa xukuumadda waxaana lagu eedeeyaa in uu mas'uul ka ahaa isku dayo dhowr ah oo lagu inqilaabi rabay nidaanka Addis Ababa ka dhisan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items