Daawo Video: Meydad dad ay Xasuuqeen ciidanka Kenya oo gobolka Gedo laga helay.

Saturday September 26, 2020 - 09:21:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Meydad dad ay Xasuuqeen ciidanka Kenya oo gobolka Gedo laga helay.

    Meydad hor leh ayaa laga helay deegaan katirsan gobolka Gedo oo isbuucii lasoo dhaafay ay xasuuq ka geysteen ciidamada gummeysiga Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Meydad hor leh ayaa laga helay deegaan katirsan gobolka Gedo oo isbuucii lasoo dhaafay ay xasuuq ka geysteen ciidamada gummeysiga Kenya.


Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ayaa sheegaya in lahelay meydadka dhowr qof oo si xun ay udileen ciidamada Kenya.

Odayaal iyo salaadiin katirsan waxgaradka Gedo oo ka qeyb galay iskusoo bax lagu cambaareynayay xasuuqa ayaa sheegay in Max'med Cabdullaah Farmaajo uu ku fiirsanayo xasuuqa Kenyaatiga.

Waxay dhaleeceeyeen sida DF-ka ay qeyb uga tagay dhibaatada iyadoo ciidamada Kenya siisay sharciyad ah in ay kamid yihiin AMISOM.


Todobadii sano ee lasoo dhaafay ayay ciidamada Melleteriga Kenya oo adeegsanaya gaadiid gaashaaman iyo diyaarado dagaal waxay xasuuq aan kala sooc laheyn ay ugeysanayeen shacabka ku dhaqan deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Gedo.



Isha Muuqaalka: Shabelle TV

Related Items