Xildhibaannada labada aqal oo meel mariyay Heshiiskii doorashooyinka.

Saturday September 26, 2020 - 17:51:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaannada labada aqal oo meel mariyay Heshiiskii doorashooyinka.

    Kadib kulan ay xildhibaannada baarlamaanka dowladda ay ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ayay ku meel mariyeen heshiiskii siyaasadeed ee dhowaan lagu saxiixay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib kulan ay xildhibaannada baarlamaanka dowladda ay ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ayay ku meel mariyeen heshiiskii siyaasadeed ee dhowaan lagu saxiixay magaalada Muqdisho.


Fadhiga xildhibaannada labada aqal oo ahaa mid xasaasi ah ayay uga doodeen sida laga yeelayo codsiga uga yimdi Farmaajo ee ahaa in la ogolaado heshiiskii doorashada.

Max'med Mursal oo ah guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay natiijadii codbixintii maanta wuxuuna sheegay in 252 xildhibaan ay ucodeeyeen heshiiska halka hal xildhibaan uu ka aamusay.

Tallaabadan ay qaadeen xildhibaannada ayaa meesha ka saaraysa cabsidii laga qabay in waxba kama jiraan uu noqdo heshiiskii ay dhowaan gaareen Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada.


Waxa loogu yeesho Beesha caalamka oo gacanta ku haysa amniga,dhaqaalaha iyo siyaasadda maamullada dabadhilifyada ah ee kajira soomaaliya ayaa larumaysanyahay in ay gadaal ka riixaysay heshiiskii laga gaaray doorashooyinka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items