Askari katirsan AMISOM oo ku dhintay Qarax ka dhacay Sh/dhexe.

Saturday September 26, 2020 - 18:48:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari katirsan AMISOM oo ku dhintay Qarax ka dhacay Sh/dhexe.

    Ilo wareedyo dhanka amniga ah oo aan ka helnay gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in qarax miino oo khasaare dhaliyay lagu beegsaday ciidamo katirsan soo duulayaasha AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax lagu beegsaday AMISOM
Ilo wareedyo dhanka amniga ah oo aan ka helnay gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in qarax miino oo khasaare dhaliyay lagu beegsaday ciidamo katirsan soo duulayaasha AMISOM.


Qarax miino oo ciidamo lugaynayay lagula beegsaday deegaanka Buurane ee duleedka degmada Balcad ayaa sababay dhimashada hal askari Burundeys ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta qaraxa kadibna waxaa goobta isku gedaamayay ciidamo kale oo kasoo baxay saldhigga ciidamada AMISOM ee Buurane.


Dhinaca kale Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in weerar cusub oo gobolkaas ka dhacay lagu beegsaday ciidamo katirsan shisheeyaha AMISOM.

Iska hor'imaad xooggan ayaa ka dhacay deegaanka Ambareeso oo dhaca duleedka degmada Baraawe.

Dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray saldhigyada ciidamada Uganda, jugta madaafiic iyo rasaas ay labada dhinac is dhaafsanayeen ayaa laga maqlayay deegaanno ka fog Baraawe.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items