Maleeshiyaadka Suufida oo wada abaabul ka dhan maamulka 'Galmudug' iyo xiisad Dhuusamareeb ka jirta.

Saturday September 26, 2020 - 18:59:50 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaadka Suufida oo wada abaabul ka dhan maamulka 'Galmudug' iyo xiisad Dhuusamareeb ka jirta.

    Xiisad colaadeed ayaa ka taagan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisad colaadeed ayaa ka taagan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya.


Boqolaal askari oo daacad u ah dowladda Federaalka ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha degmada Dhuusamareeb, ciidamadan oo diyaarado looga qaaday magaalada Muqdisho ayaa gurmad u ah maamulka isku magacaabay 'Galmudug'.

Sida ay wararku sheegayaan ciidamadan waxaa dalbaday Qoorqoor oo ah madaxweynaha 'Galmudug' kadib markii taliyaha qeybta 21aad ee Suufida xiriirka laleh uu hub farabadan kala baxay xarunta madaxtooyada Dhuusamareeb.


ilo xog ogaal ah waxay sheegayaan in sarkaal lagu magacaabo Mascuud uu labaxay dhammaan hubkii kooxaha suufida ee lamaja xaabiyay arrinkaasna waxaa ka carooday madaxda maamulka 'Galmudug'.

Sidoo kale waxaa xilkii uu hayay laga qaaday taliyihii ciidamada Madaxtooyada Galmudug kaasi oo ku eedaysan in uu Mascuud ufududeeyay la bixidda hubkii suufida.

Xaaladda ayaa ah mid cakiran waxaana socda abaabul ciidan oo ay wataan kooxaha suufida oo kulan ku leh deegaanka Huurshe oo uu kuyaal qabriga Nin mushrik ahaa oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Direed.

Axmed Qoorqoor ayaa ka cabsi qaba in maamulkiisu uu dagaal rogaal celin ah kala kulmo kooxihii suufida ee isku magacaabay Ahlusunna Waljamaaca.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items