Xasan Cali Kheyre oo aan xilka ku wareejin R/wasaare Rooble.

Sunday September 27, 2020 - 13:45:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Cali Kheyre oo aan xilka ku wareejin R/wasaare Rooble.

    R/wasaaraha cusub ee dowladda Federaalka ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka dhowaan loo magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

R/wasaaraha cusub ee dowladda Federaalka ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka dhowaan loo magacaabay.


Munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada ayuu Max'med Xuseen Rooble kula wareegay xilka R/wasaaraha dowladda Federaalka, madashii ay xil wareejintu ka dhacaysay waxaa ku sugnaa wasiirro iyo xildhibaanno.

Arrinta ku cusub siyaasadda DF-ka ayaa ah in xilka uusan wareejin R/wasaarihii hore ee lacasilay, Mahdi Guuleed oo ku xigeen u ahaa Xasan Cali Kheyre ayaa xilka ku wareejiyay Max'med Xuseen Rooble arrinkaas oo banaanka soo dhigaya heerka uu gaarsiisnaa khilaafkii ka dhaxeeyay Farmaajo iyo Kheyre.


Villa Somalia ayaa diiday codsi ka yimid R/wasaarihii hore oo ahaa in isagu uu xilka wareejiyo taas bedelkeedna waxaa xil wareejinta sameeyay Mahdi Guuleed oo xilkan si KMG ah uhayay.

Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal uu uqoray Max'med Xuseen Rooble ku wargeliyay in uu xil wareejinta diyaar u yahay balse arrinkaas ayaa dhegaha laga furaystay.

Tallaabadan ayaa khilaafsan hab maamuuskii u degsanaa madaxdii hore ee dowladda Federaalka oo R/wasaaraha xilka laga qaaday ama iscasilay uu xilka ku wareejin jiray midka cusub.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items