Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay Salaadiin, waxgarad iyo odayaal dhaqameed ka tirsan beesha Mudulood oo ka kala yimid deegaanada ay ka degaan gobollada Soomaaliya, si gaar ah Mudug, Galgaduud, Shabeelaha dhexe, Shabeelaha Hoose, Banaadir, Gedo iyo Jubbooyinka.
Waxana goobta hadallo badan ka jeediyay salaadiin iyo marti sharaf kale, sidoo kale intii ay socotay xafladda doorashada Suldaan C/fataax Xasan Maxamed waxaa hadiyado qaali ah la guddoonsiiyay salaadiinta, waxgradka iyo nabadoonada qaybta ka ahaa xafladda.
Sawirro+Warbixin: Xaflad heer sare ah oo lagu Caleemo saaray Suldaanka Muddulood Ee Jubbooyinka.
Xafladani oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay laguna caleemasaarayay suldaan C/fataax Xasan Maxamed Suldaanka beesha Mudulood ee Jubbooyinka ayaa dhawaan waxay ka dhacday degmada Jilib.