Duqeyn loo geystay garoon caalami ah oo sababtay dhimashada 5 qof.

Tuesday September 29, 2020 - 06:23:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqeyn loo geystay garoon caalami ah oo sababtay dhimashada 5 qof.

    Wararka ka imaanaya wadanka Ciraaq ayaa sheegaya in markale weerar sawaariikh loo adeegsaday lagu qaaday mid kamida goobaha ammaankooda sida aadka ah loo ilaaliyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Ciraaq ayaa sheegaya in markale weerar sawaariikh loo adeegsaday lagu qaaday mid kamida goobaha ammaankooda sida aadka ah loo ilaaliyo.


Saraakiil ammaan ayaa sheegay in dhowr madfac ay kusoo dhaceen madaarka caalamiga magaalada Baqdaad oo il dhaqaale oo muhiima u ah xukuumadda shiicadu ku badantahay ee ka jirta wadanka Ciraaq.

waxaa la sheegay in weerarka ay ku dhinteen Shan qof oo isku qoys ah kadib markii gantaal uu ku dhacay gurigooda oo u dhow garoonka diyaaradaha Baqdaad, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka oo falkan ku eedeeyay wax ay ugu yeereen "kooxo dambiilayaal ah".


Ma jirto xisbi sheegatay mas'uuliyadda weerarka halka kooxo aan la garaneyn ay bartilmaameedsanayaan gobolkan si ay uga saaraan ciidamada Mareykanka ee ixtilaalka ku jooga Ciraaq.

Garabka Iiraan ee mandiqadda ayaa latuhunsanyahay in ay dhacdooyinka nuucaan ah mas'uul ka yihiin marka la eego hubka ay adeegsanayaan.

Related Items