Xasan Sheekh oo Ciidamada Itoobiya Ee Xudur Ku Sugan Ku Dhiirigelinaya Xasuuqa Shacabka Bakool.

Wednesday June 18, 2014 - 17:55:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xasan Sheekh oo Ciidamada Itoobiya Ee Xudur Ku Sugan Ku Dhiirigelinaya Xasuuqa Shacabka Bakool.

    Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaallo ku maraya magaalooyin dhaca Koonfurta Soomaaliya oo ay heystaan ciidamada sheesheeye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaallo ku maraya magaalooyin dhaca Koonfurta Soomaaliya oo ay heystaan ciidamada sheesheeye.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta duhurkii degay garoonka diyaaradaha degmada Xudur oo ay heystaan ciidamada gumeysiga Itoobiya.

Saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Xudur ayay kulan ku yeesheen wafdiga Xasan Sheekh iyo saraakiisha ciidamada Itoobiya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in socdaalka Xasan sheekh uu salka ku hayo sidii ciidamada gumeysiga Itoobiya uu niyadda ugu dhisi lahaa kadib markii go’doomin raagtay ay saareen xoogaga shabaabul Mujaahidiin.


Gumeystaha ku sugan gobolka Bakool ayaa isbuucii lasoo dhaafay shacab rayid ah ku xasuuqay tuulooyin hoos yimaad degmada Xudur iyo Waajid ee gobolka Bakool.

Xasan Sheekh ayaa caan ku ah in dowladaha shisheeye markaati uga noqdo xasuuqa shacabka soomaaliyeed bilo ka hor ayuu xasan sheekh shaashadaha kasoo muuqday isagoo dhoolla caddeynaya islamarkaana lataagan Uhuru Kenyatta xilli ciidanka Kenya ay Kumanaan soomaali ah ka raafayeen magaalada Nairobi.



Related Items