Hal Sano kadib Weerarkii Balidoogle Mareykanka oo walaac ka muujinaya awoodda Al Shabaab [Warbixin].

Thursday October 01, 2020 - 11:01:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Hal Sano kadib Weerarkii Balidoogle Mareykanka oo walaac ka muujinaya awoodda Al Shabaab [Warbixin].

    Hal sano oo kaamil ah ayaa kasoo wareegtay markii uu dhacay weerarkii khasaara badan dhaliyay ee lagu qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka Balidoogle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hal sano oo kaamil ah ayaa kasoo wareegtay markii uu dhacay weerarkii khasaara badan dhaliyay ee lagu qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka Balidoogle.


30-kii bishii Septembar ayay dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin waxay weerar  uqorshaysan ku qaadeen saldhigga ciidamada Mareykanka Balidoogle oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada American-ka ah ay uga suganyihiin Soomaaliya.

Weerarkaas waxaa ku dhintay ugu yaraan 121 askari  sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab balse Mareykanka ayaa dafiray in khasaare dhimasho uu ciidamadiisa kasoo gaaray weerarka.


Howlgalkii Balidoogle oo saameyn xun ku reebay duullaanka Mareykanka ee dalka Soomaaliya ayaa muujiyay awoodda ay jihaadiyiintun u leeyihiin in ay xisaab adag lagalaan cadowgooda.

Sanad kadib markii uu weerarkaasi dhacay ayuu taliska ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika war kasoo saaray dagaalka ay uga jiraan Soomaaliya, mas'uul u hadlay AFRICOM ayaa walaac ka muujiyay awoodda mujaahidiinta Soomaaliya wuxuu carabaabay in wali ay dareemayaan khataro uga imaanaya jihaadiyiinta.

"waxaan hadda ku qiimaynaynaa in Al Shabaab uu yahay Ururka Argagaxisada ah ee ugu awoodda weyn qaaradda Afrika marka ay noqoto kartidooda ay halis ku gelin karaan danaha reergalbeed ee gobolka" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay AFRICOM.

Taliska ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika wuxuu carabaabay in halista Al Shabaab uga imaanaysa Washington iyo xulufadeeda mandiqadda ay tahay mid dhab ah oo aan ladhayalsan karin islamarkaana Ururka Al Qaacidda oo SHM ay katirsatahay uu taageera badan ku leedahay guud ahaan qaaradda Afrika.

"waxay katirsanyihiin Al Qaacidda oo xididdo iyo gabaad ku leh Afrika balse hadafkoodu intaas waa ka weynyahay Al Shabaab waxay doonayaan in ay dagaalkooda ballaariyaan  tusaale waxaa u ah weerarkii ay ku qaadeen saldhigga Manda Bay Kenya" ayaa lasii raaciyay warka kasoo baxay Africom

Duqeymaha aan kala sooca laheyn ee diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ay ka geysanayaan Koonfurta Soomaaliya ayaa wali halkoodi kasii socda balse waxba kama bedelin awoodda Jihaadiyiinta oo 40-kii maalmood ee lasoo dhaafay fuliyay tobanaan weerar oo khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dabadhilifyada u ah.

Horraantii bishii November 2019 Video maqal iyo muuqaal ah ayay Mu'asasada Alkataa'ib kusoo bandhigtay weerarkii Balidoogle waxaana markii ugu horraysay kasoo muuqday Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeyda isagoo lahadlayay raggii fuliyay weerarkii lagu qaaday saldhigga Mareykanka.

Dagaalyahannadii naftood hurayaasha ahaa ee weerarka qeybta ka ahaa ayaa lasoo bandhigay iyagoo aad ugu faraxsan howsha ay xilligaas isku diyaarinayeen.

Jihaadiyiinta Soomaaliya oo ah kuwa ugu awoodda badan qaaradda Afrika ayaa ubabac dhigay awoodda ciidamo ka badan 100 kun oo askari kuwaas oo ka kala socda Itoobiya,Kenya,Uganda, Jabuuti,Burundi iyo Mareykanka waxaana muuqata in dagaalka oo sii daba dheeraada uu wiiqayo awoodda soo duulayaasha.

 Hoos ka Daawo Sawirro iyo Video ku saabsan raggii fuliyay weerarkii Balidoogle

 Halkan ka degso Video-ga












Related Items