Carona Virus oo asiibay Trump iyo xaaskiisa.

Friday October 02, 2020 - 09:28:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Carona Virus oo asiibay Trump iyo xaaskiisa.

    Caabuqa halista ah ee Covid19 ayaa haleelay mas'uuliyiinta ugu sarraysa dalka Mareykanka xilli uu cudurkan uu dilay dad kabadan laba boqol oo kun ruux American ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caabuqa halista ah ee Covid19 ayaa haleelay mas'uuliyiinta ugu sarraysa dalka Mareykanka xilli uu cudurkan uu dilay dad kabadan laba boqol oo kun ruux American ah.


Aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa xaqiijiyay in madaxweyne Trump iyo xaaskiisa ay ladhibanyihiin Carona islamarkaana ay jirto cabsi ah in Virus-ku asiibo howlwadeennada ugu muhiimsan xukuumadda Washington.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qudhiisa ku dhawaaqay in uu haleelay cudurka Coronavirus "Covid-19" ka dib markii uu maray baaritaanka natiijada wanaagsan ka bixiyay tani waxay timid saacado kadib markii mid ka mid ah lataliyayaashiisa ugu dhow uu ku dhacay cudurka Carona


Shalay oo Khamiis aheyd Trump wuxuu sheegay in isaga iyo xaaskiisa Melania ay gelayaan karantiil inta laga helayo natiijooyinka baaritaanka kuwaas oo loo sameeyay kadib markii la xaqiijiyay in mid kamida adeegayaashiisa uu qaba cudurka coronavirus .

Saraakiisha caafimaadka aqalka cad ayaa Trump ku dhaliilay in uusan u hogaansamin talooyinka dhanka caafimaadka ah ee ay kasiiyeen caabuqa Covid19 islamarkaana uu cudurka sahashaday.

Waa markii ugu horraysay oo madaxweyne Mareykan ah uu ku dhaco cudur sidaan u halis ah, bilo ka hor ayuu Carona haleelay R/wasaareha dalka Ingiriiska iyo madaxweynaha dalka Baraaziil balse labaduba waa kasoo bogsoodeen oo madhiman

Related Items