Saldhigyo ay ciidamo Kenyaan ah uga sugnaayeen Jubbada Hoose oo laweeraray.

Sunday October 04, 2020 - 11:13:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigyo ay ciidamo Kenyaan ah uga sugnaayeen Jubbada Hoose oo laweeraray.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in markale weeraro ay lakulmeen laba saldhig oo ay ku suganyihiin ciidamada Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in markale weeraro ay lakulmeen laba saldhig oo ay ku suganyihiin ciidamada Kenya.


Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa xalay weeraro ku miray saldhigyada ciidamada melleteriga Kenya ay ku leeyihiin deegaannada Taabto iyo Cabdalla Biroole.

Dad ku sugan duleedka Dhoobleey ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiic iyo rasaas ay labada dhinac isdhaafsanayeen.

Sidoo kale xoogaga Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar ku asqeeyay saldhig ay ciidamada KDF uga sugnaayeen tuulada Cabdalla Biroole oo qiyaastii 40Km ujirta magaalada Kismaayo.


Ma ahan markii ugu horraysay ee laweeraro saldhigyada ciidamada Kenya ee Jubbada hoose, bishii lasoo dhaafay ayay weeraro lakulmay inta badan saldhigyada ciidamada gummeysiga ee gobolkaasi kuyaal.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items