Beelaha Gaaljecel iyo Geelidle oo horay xurguf ugu dhex-martay deegaannada ay ood wadaaga ku yihiin labada beelood sababtayna dhimashada 4 ruux oo labada dhina ah ayaa halkaas ku kala guddoomay 400 (afar boqol) xoolo nool nool oo geela ka dib shirar horay ay deegaankaasi ugu yeesheen beelaha kana shaqeeyeen maktabka musaalaxad XSHM iyo labada wilaayo ee Hiiraan Iyo Bay iyo Bakol, waxaana goobta ka hadlay wulaadda labada wilaayo waxgarad iyo marti sharaf kala duwan, iyadoona xafladda laga dareemayo ageesin heer sare ah.
Sawirro: Boqolaal Neef Geel ah oo diyo ahaan loogu kala wareejiyay Beelo ku dagaallamay Soomaaliya.
Xaflad heer sare ah oo dhawaan ka dhacday deegaanka Burdho ee gobolka Bakool waxaa isugu yimid masuuliyiin ka kala socday wilaayaadka Baay iyo Bakool iyo Hiiraan iyo waxgaradka beelaha Gaaljecel iyo Gelidle iyo nabaddoono ka socday labada wilaayo, w