Yahuudda oo deegaamaysi hor leh ka dhisaysa Daanta galbeed ee Falasdiin.

Tuesday October 06, 2020 - 06:10:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yahuudda oo deegaamaysi hor leh ka dhisaysa Daanta galbeed ee Falasdiin.

    Maamulka Yahuudda sahyuuniyadda ayaa qaaday tallaabadii ugu horraysay oo uu ku qabsanayo deegaanno katirsan dhulalka falasdiin tan iyo markii uu aqoonsiga ka helay qaar badan oo kamid ah dowladaha dawaaqiidda carabta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

askari Yahuudi ah oo tooganaya wiil Falasdiini ah
Maamulka Yahuudda sahyuuniyadda ayaa qaaday tallaabadii ugu horraysay oo uu ku qabsanayo deegaanno katirsan dhulalka falasdiin tan iyo markii uu aqoonsiga ka helay qaar badan oo kamid ah dowladaha dawaaqiidda carabta.

Wararka ka imaanaya Falasdiin ayaa sheegaya in ciidamada ixtilaalka ay bilaabeen dhismaha illaa 5,400 oo guri dhammaantoodna waxaa laga hirgelinayaan deegaannada loo yaqaan daanta galbeed ee webiga Urdun.

Baarlamaanka Yahuudda ayaa ogolaaday yagleelidda deegamaysiyadan sharci darrada ah halka xukuumamadda Bin Yamiin Netenyaahu ay isku diyaarinayso in ay ansixiso, waana qeyb cusub oo kamid ah deegaamaysiyada lagu boobayo dhulalka muslimiinta Falasdiin.

Warbaahinta Yahuudda ayaa sheegtay in amarkan uu bixiyay Bin Yamiin Netenyaahu waxaana lafilayaa in 12-ka bishaan uu qabto shir uu arrinkaas si rasmi ah ugu iclaaminayo, horay siyaasiyiinta yahuudda ayaa xukuumadda Netenyahu ugu cadaadiyay in ay dib udhigto mashruucan deegaamaysiyada ah sababa laxiriira diidmo ka imaanaysa Ururka midowga Yurub.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maamulka Yahuudda uu diyaariyay bixinta rukhsooyinka lagu dhisayo deegaamaysiyadan taas oo ka dhigan in mashruucan uu yahay mid muddo bila ah ladiyaarinayay lagana baaraan degay.

Yahuudda ayaa xusulduub ugu jirta sidii ay udhisi laheyd illaa 3,000 oo deegamaysiyo sharci darra ah kuwaas oo dhaca bartamaha daantagalbeed halka deegaamaysiyada qaar ay kaabiga ku hayaan halka loo yaqaan khadka cagaaran.

Tani waa hadiyad ay murtadiinta hoggaamisa dowladaha Imaaraatka Carabta iyo Baxreyn ay siiyeen Yahuudda, heshiiskii qarniga ee Trump soo allifay dawaaqiidda khaliijkana ay fuliyeen ayaa dhigayay in qadiyada Falasdiin labaabi'iyo Yahuudna ku luga fidsato dhammaan deegaannada Daanta galbeed,marinka qaza illaa xuduud beenaadka gobolka saynaa.

Related Items