Dowladda
Maali ayaa sii daysay in kabadan 206 maxbuus oo mujaahidiin ah kadib markii ay
heshiis maxaabiis iswaydaarsi ah lagaartay Jamaacada jihaadiga ah ee Nusratul
Islaam Walmuslimiin.
Masuuliyiinta
Mali ayaa xabsiga kasii daayay ugu
yaraan 190 maxaabiis mujaahidiin ah oo ku xirnaa jeel kuyaala magaalada
caasimadda ah ee Bomako waxaana loo
duuliyey deegaanno ay gacanta ku hayaan jihaadiyiinta oo kuyaal waqooyiga
wadanka.
Mas'uul
sare oo katirsan melleteriga Maali ayaa xaqiijiyay in ay sii daayeen maxaabiis
boqolaal ah taas oo sii xoojineysa
wararka la isladhexmarayo ee ku saabsan in jhaadiyiintu ay dhankooda sii
daayeen siyaasi caan ah oo lix bilood ka hor ay ka qafaasheen waqooyiga Maali.
Rag aad u
hubaysan oo katirsanaa Al Qaacidada Saaxilka ayaa qafaashay Soumaila Cisse dhamaadkii
bishii Maarso ee lasoo dhaafay kadibna
waxay dalbadeen in ay maxaabiis
isweydaarsadaan iyaga iyo dowladda Mali ugu dambayntiina waa ku guulaysteen
hadafkoodi.
Sarkaal
diiday in magaciisa loo adeegsado warbaahinta ayaa u sheegay wakaaladda wararka
AP in maalintii Sabtiga ay sii daayeen illaa 70 Maxbuus mujaahidiin ah halka maalintii Axadda ay sii daayeen 110
maxbuus, saraakiisha dowladda Maali ayaa aad uga gaabsanaya ka hadalka arrinkan
sababa laxiriira xasaasiyadda uu leeyahay.
Ninka loo
sii daayay xukuumadda Maali ee lagu magacaabo Cisse waa 70 jir u tartamay
madaxtinimada Mali muddo seddex jeer ah
wuxuu olole ugu jiray ka hor doorashooyinka baarlamaaniga ah meel aan sidaas uga fogeyn magaalada Timbuktu
balse waxaa si lama filaan ah uqafaashay dagaalyahanno wajiyadu u xiranyihiin.
ilaaladiisa ayaa lagu dilay weerarka, mudadii lixda bilood aheyd ee uu ku jiray
gacanta mujaahidiinta in uu noolyahay waxa kaliya ee caddaynayay ayaa ahaa warqad uu gacantiisa ku qoray oo uu usoo
diray saraakiisha Melleteriga bishii Agoosto ee lasoo dhaafay.
Inkasta oo wali uusan wax war ah kasoo bixin hoggaanka Jamaacada Nusratul Islaam walmuslimiin hadane taageerayaashooda baraha bulshada ayaa xaqiijiyay in maxaabiista loosii daayay ay gaarayaan 206 dagaalyahan iyagoo aad u bogaadiyay tallaabadan waxayna ugu baaqeen jamaacaadka kale ee jihaadiga ah in ay dadaalkan oo kale bixiyaan si xabsiyada loogasoo daayo geesiyaasha ku jilba xiran
Dowladda Maali oo Mas'uul sare ku bedelatay 206 Maxbuus Jihaadiyiin ah [Warbixin].
Wararka ka imaanaya wadanka Maali ayaa sheegaya in Jamaaco Jihaadi ah ay xaqiijisay hadaf weyn kadib markii xabsiyada loogasii daayay boqolaal dagaalyahanno jihaadiyiin ah kuwaas oo muddo sanada ah ku jilba xirnaa xabsiyada cadowga.