Baarlamaanka Itoobiya oo amray in xiriirka loo jaro ismaamulka Tigreega.

Wednesday October 07, 2020 - 08:03:50 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Itoobiya oo amray in xiriirka loo jaro ismaamulka Tigreega.

    Ismariwaaga udhaxeeya dowladda Xabashida Itoobiya iyo ismaamul goboleeyada qowmiyadda Tikreega ayaa meeshi ugu xumeed gaaray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ismariwaaga udhaxeeya dowladda Xabashida Itoobiya iyo ismaamul goboleeyada qowmiyadda Tikreega ayaa meeshi ugu xumeed gaaray.


Baarlamaanka dowladda Itoobiya ayaa shalay soo saaray go'aan cusub oo ah in mas'uuliyiinta Federaalka ay joojiyaan dhammaanba wixii xiriir ah ee ay la lahaayeen hoggaamiyaasha gobolka woqooyiga Tigreega.

Xildhibaannada oo kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ayaa go'aankooda u cuskaday in doorashadii baarlamaaniga iyo middii madaxtinimada uu diiday Abiy Axmed islamarkaana aysan waafaqsanayn sharciga udegsan dowladda Itoobiya.

Goor sii horraysay ismaamulka Tigreega ayaa sheegay in aysan wax wadahadal ah layeelan doonin Abiy Axmed oo ay eedaymo kulul ujeediyeen, mas'uuliyiinta maamulka Tigray ayaa warbaahinta ka sheegay hadallo ugogol xaarayay gooni ugoosad iyagoo isku arka dowlad Itoobiya inteeda kale ka madax banaan, Tigreegu waxay caddeeyeen in aysan aqoonsanayn xukuumadda Abiy Axmed madaxda ka yahay.


"Golaha baarlamaanka wuxuu go'aansaday in dawlada federaalka ay jarto xiriir kasta oo ay lalaheed golaha deegaanka Gobolka Tigreega iyo hay'adda fulinta ee ugu sarreysa gobolka," ayaa lagu yiri bayaan ay baahisay wakaaladda rasmiga ah ee ku hadasha Afka dowladda Itoobiya

Xildhibaannada baarlamaanka Itoobiya oo umuuqday in ay taageersanyihiin siyaasadda uu Abiy Axmed kula dhaqmayo ismaamulka Tigray ayaa soo jeediyay in aan sheedda laga fiirsan tasarufaadka hoggaamiyaasha xisbiga TPLF.

Dhinaca kale madaxweynaha maamulka Tigreega ayaa si cad u sheegay in uusan aqoonsanayn xukuumadda Addis Ababa taas oo ka dhigan in ismaamulkan uu iclaamiyay dagaalka kala dhaxeeya Abiy Axmed.

Bishii Septembar doorashooyin madaxtinimo iyo kuwa baarlamaani oo aysan raalli ka aheyn dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa ka dhacay gobolka Tigray tallaabadaas oo lagu sheegay in qowmiyaddan ay tijaabinaysay awoodeeda siyaasadeed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items