Sarkaal katirsan ciidamada Minishiibiyada oo lagu dilay Howlwadaag.

Sunday October 11, 2020 - 07:20:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal katirsan ciidamada Minishiibiyada oo lagu dilay Howlwadaag.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu dilay sarkaal katirsan ciidamada Booliska oo shalay ka dhacay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu dilay sarkaal katirsan ciidamada Booliska oo shalay ka dhacay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.


Xoogag hubaysan ayaa shalay gelinkii dambe gudaha Suuqa Bakaaraha ku toogtay sarkaal katirsanaa ciidamada Booliska gaar ahaan qeybta canshuuraha ee Minishiibiyada loo yaqaan.

Ilo wareedto amni ahaa xaqiijinaya in rag hubaysan oo Al Shabaab katirsan ay toogteen Cabdi Macoow Kulmiye kaasi oo kamid ahaa saraakiisha sida maalinlaha ah lacagata uga qaadi jiray goobaha ganacsiga suuqa Bakaaraha.

Dilalka qorshaysan ee ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda ayaa bilihii lasoo dhaafay kusii xoogeysanayay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items