Sawirro: Nusratul Islaam Walmuslimiin oo soo dhoweyn heer sare ah usameysay Maxaabiis lagasii daayay Xabsiyada Maali.

Sunday October 11, 2020 - 08:13:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Nusratul Islaam Walmuslimiin oo soo dhoweyn heer sare ah usameysay Maxaabiis lagasii daayay Xabsiyada Maali.

    Xoogag Jihaadiga ah ee ka halgama wadamo katirsan galbeedka qaaradda Afrika ayaa udabaaldegay sii daysmada boqolaal maxaabiis mujaahidiin ah oo dhowaan lagasii daayay xabsiyada cadowga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag Jihaadiga ah ee ka halgama wadamo katirsan galbeedka qaaradda Afrika ayaa udabaaldegay sii daysmada boqolaal maxaabiis mujaahidiin ah oo dhowaan lagasii daayay xabsiyada cadowga.


Munaasabad ballaaran oo ka dhacday waqooyiga dalka Maali ayaa soo dhoweyn heer sare ah loogu sameeyay maxaabiis isugu jiray askar iyo saraakiil kuwaas oo isbuucii lasoo dhaafay lagasoo fakiyay xabsi kuyaal magaalada Bomako ee caasimadda u ah Maali.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada waxaa kasoo muuqanayay mas'uuliyiin sarsare oo maamuus usameynaya maxaabiistii ku jilba xirnaa xabsiyada cadowga ee xuriyadooda dib u helay.


Sheekh Iyaad Aaga Ghaali oo ah amiirka jamaacada Nusratul Islaam Walmuslimiin iyo mas'uuliyiin kale ayaa goob joog u ahaa munaasabadii loo sameeyay maxaabiista, sawirada waxaa laga dheehan karaa sida heerka sare ah ee loo maamusay ragga xuriyadooda dib uhelay.

Isbuucii lasoo dhaafay heshiis maxaabiis isweydaarsi ah oo dhaxmaray melleteriga Maali iyo Jihaadiyiinta JNIM ayaa suurtagal ka dhigay in ay xuriyadooda dib uhelaan illaa 206 maxbuus oo mujaahidiin ah iyagoo ku bedeshay siyaasi caan ah oo muddo sedax jeer ah utartamay xilka madaxtinimada Maali.










Related Items