Al Shabaab oo sarkaal sirdoon ku dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Sunday October 11, 2020 - 16:09:46 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 3
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sarkaal sirdoon ku dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

    Wararn dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorshaysan oo xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararn dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorshaysan oo xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug bartamaha dalka Soomaaliya.


Sida ay sheegayaan wararka laga helayo waqooyiga Gaalkacyo rag hubaysan ayaa toogasho ugeystay mid kamida saraakiisha sirdoonka maamulka Putland.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in xoogagoodu ay dileen Saciid Maaradoon oo ahaa sarkaal sirdoon "Mujaahidiinta ayaa howlgal ay ka fuliyeen waqooyiga Gaalkacyo waxay ku dileen sarkaal katirsanaa sirdoonka maamulka Ashahaadda ladirirka Puntland" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Wararka ayaa intaas ku daraya in dilka ka dhacay xaafadda Israac lagu beegsaday sarkaal mas'uul ka ah howlgallada raafka ah ee ka dhanka ah dadka astaamaha diimeed leh. Saciid Maaradoona ayaa sanadadii dambe caan ka ahaa waqooyiga Gaalkacyo.

Dilalka lagu beegsaday askarta iyo saraakiisha maamulka 'Puntland' ayaa bilihii lasoo dhaafay kusoo badanayay xaafadaha kala duwan ee xarunta gobolka Mudug.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items