Azarbijaan oo Armeeniya ku eedaysay in ay jabisay Heshiiskii Xabad joojinta ahaa.

Monday October 12, 2020 - 08:25:27 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Azarbijaan oo Armeeniya ku eedaysay in ay jabisay Heshiiskii Xabad joojinta ahaa.

    Dagaallo goos goos ah ayaa markale dib uga bilaawday inta badan aagaga laysku horfadhiyo ee dalka Azarbijaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo goos goos ah ayaa markale dib uga bilaawday inta badan aagaga laysku horfadhiyo ee dalka Azarbijaan.



Madaxweyne ku xigeenka dowladda Azarbijaan ayaa sheegay in ciidamada armeeniya ayay duqeyn ba'an ka geysteen magaalada Ganja oo ah caasimadda labaad ee wadankaas ugu weyn waxaana duqeynta ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

wasaaradda difaaca xukuumadda Baaku waxay xaqiijisay in duqeynta ay ku dhinteen 7 ruux halka 33 kale ay dhaawacyo kasoo gaareen, dowladda armeeniya ayay ku eedaysay in ay xajibisay xabad joojintii shalay lakala saxiixday islamarkaana ay burburisay illaa sedax deegaan oo kuyaal magaalada Ganja.



dhinaca kale dowladda armeeniya ayaa iska fogeysay eedaymaha loo jeediyay waxayna sheegtay in duqeymaha dhaca aan lagasoo qaadin gudaha dalkeeda.

wariyaal ayaa soo sheegay in weeraro fool ka fool ah ay ka jiraan haraaraha magaalooyinka Tartar iyo Jabraa'iil oo isbuucii lasoo dhaafay laga qabsaday ciidamda armeeniya.

dowladda ruushka oo kasoo shaqeysay xabad joojintii shalay lagu dhawaaqay ayaa sheegtay in ay dhinacyada ku cadaadinayso u hoggaansamiddii wixii ay saxiixeen

Related Items