Hindiya oo lafilayo in ay dhimashada Carona Virus uga sare marto Mareykanka.

Monday October 12, 2020 - 14:36:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hindiya oo lafilayo in ay dhimashada Carona Virus uga sare marto Mareykanka.

    Caabuqa halista ah ee Covid19 ayaa wali halaag daran ka wada wadanka hindiya ee dhaca qaaradda asiya waxaana la saadaalinayaa in wadankan uu marti geliyo dhimashada ugu badan caalamka ee sanadkaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caabuqa halista ah ee Covid19 ayaa wali halaag daran ka wada wadanka hindiya ee dhaca qaaradda asiya waxaana la saadaalinayaa in wadankan uu marti geliyo dhimashada ugu badan caalamka ee sanadkaan.


Malaayiin ruux Hindiyaan ah ayaa la sheegay in isbuucyadii lasoo dhaafay uu soo ritay Carona Virus taas oo ka dhigan in dalkan uu ku socdo marin aad uxun oo dhulka gelin kara dhaqaalihiisa.

Tirada bukaannada ee Hindiya waxay kor u dhaaftay 7 milyan maalintii Axadda kadib markii Wasaaradda Caafimaadka ay ku dartay qiyaastii 74,000 oo bukaanno cusub ah afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay, marka lagu daro dhimashada 108,000.

saraakiil caafimaad waxay sheegayaan in dhimashada iyo bukaannadu ay ka badanyihiin inta ay dowladdu sheegtay marka loo eego boqolala kun oo ruux oo aysan suurtagelin in ladiiwaan gelyo sababa laxiriira adeegyada caafimaadka oo aan gaari karin dhulalka fogfog ee gobollada Hindiya.



Hindiya ayaa la filayaa in uu noqdo waddanka ugu xun ee uu saameeyay cudurkan wuxuuna ka sare mari karaa baa laleeyahay mareykanka marka loo eego sida xowlliga ah ee ay ku socoto dhimashada.

Dhinaca kale dalka Baraaziil ayaa lagasoo calaamadeeyay musiibo ka daran midda hindiya ka jirta, baraaziil oo ah dalka labaad ee ugu dhimashada badan Covid19 ayay madaxda wadankaas soo saareen digniino hor leh.

Tirada dhimashada ee Baraasiil waxay kor u dhaaftay 150,000, qiyaastii 8 bilood ka dib kolkaas oo bukaannadii ugu horreeyay la diiwaangeliyey, halka tirada maalinlaha ee dhimashadu ay si tartiib tartiib ah hoos ugu sii dhaceyso laakin waxaa lasaadaalinayaa in xaaladu adkaan doonto haddii dowladdu hoos udhigto qaraskha ay ku bixinayso arrimaha caafimaadka.

dowladda Brazil oo dadkeedu yihiin 212 milyan waxay diiwaan gelisay ugu yaraan 150,198 oo u dhintey cudurka Covid-19, iyo sidoo kale in ka badan shan milyan oo xaaladood, sida laga soo xigtay tirooyinka Wasaaradda Caafimaadka, taas oo ka dhigeysa waddanka labaad ee ugu badan ee uu saameeyey cudurka aafada ka dib Mareykanka.

Related Items