Dowladda Imaaraatka Carabta oo Markab ganacsi udirtay Yahuudda.

Tuesday October 13, 2020 - 06:31:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Imaaraatka Carabta oo Markab ganacsi udirtay Yahuudda.

    Wararka ka imaanaya dhulalka Falasdiin ee ku jira gummeysiga Yahuudda ayaa sheegaya in markabkii ugu horreeyay ee ay leedahay dowladda imaaraatka carabta uu badeeco ugeeyay yahuudda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulalka Falasdiin ee ku jira gummeysiga Yahuudda ayaa sheegaya in markabkii ugu horreeyay ee ay leedahay dowladda imaaraatka carabta uu badeeco ugeeyay yahuudda.


dekadda caalamiga magaalada Xeyfa waxaa baroosimaha dhigtay markii ugu horreeyay ee ay leedahay dowlad carbeed kaasi oo badeecooyin kaladuwan kasoo qaaday dekadda Jabal Cali ee wadanka isku tagga imaaraatka Carabta.

Wariyaal ayaa soo sheegay in markabka oo uu ka babanayo calanka Imaaraatka uu ku xirtay dekadda waxaana xeebta kusoo xoomayay dad Yahuud ah oo si aad ah umarxabaynayay shaqaalaha markabka iyo ganacsato imaaraatiyiin ah.

Markabka lagu magacaabo MSC PARIS ayaa kasoo shiraacday imaaraatka wuxuna badeecado kale usidaa wadamo ay kamid yihiin Hindiya iyo sirilaanka, saraakiil katirsan dowladda imaaraatka ayaa arrinta ku sifeeyay mid qeyb ka ah heshiiskii ay lagaleen waxa loogu yeero israa'iil oo dhigayay in lacaadiyeeyo dhamaan cilaaqaadka dhinacyada ka dhaxeeya sida amniga,ganacsiga,diblumaasiyadda iyo wixii lamid ah.



wararka ayaa intaas ku daraya in shirkadda dekadaha Dubai ee imaaraatka ay ka shaqa bilaabi doonto dekadaha uu heysto maamulka israa'iil si sare loogu qaado ganacsiga iyo dhaqaalaha dadka Yahuudda ah.

Tallaabadan ayaa ah isbarbar taag toos oo awood lagu siinayo sahyuuniyadda laguna maja xaabinayo qadiyadda falasdiin.

Related Items