Dowladda Turkiga oo dib ubilaawday howllihii Shidaal baarista Badda mediterranean.

Tuesday October 13, 2020 - 06:42:10 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Turkiga oo dib ubilaawday howllihii Shidaal baarista Badda mediterranean.

    Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in maraakiib dheeraad ah ay udirtay bariga badda meditareeniyeenka ee lagu murunsanyahay si ay halkaas uga fuliyaan howlgallo shidaal baaris ah arrinkaas oo kasii caraysiin kara dowladda saliibiyadda Gariigga oo kh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in maraakiib dheeraad ah ay udirtay bariga badda meditareeniyeenka ee lagu murunsanyahay si ay halkaas uga fuliyaan howlgallo shidaal baaris ah arrinkaas oo kasii caraysiin kara dowladda saliibiyadda Gariigga oo khilaaf ba'an uu kala dhaxeeyo.


Markabka Oruç Reis ayaa dhaqaaqay aroornimadii hore ee isniinta wuxuuna gaari doonaa mandiqad laysku murunsanyahay oo aad ugu dhow xeebaha dalka Gariigga, saraakiisha Turkiga waxay sheegeen in markabkan oo ah nuuca shidaalka baara oo muhiimadiisa soo dhameysan doono 22-ka bishan October.

Durbadiiba dowladda Gariigga oo ka jawaabtay tallabada Turkigu qaaday ayaa ku tilmaamtay daan daansi iyo in xukuumadda Anqara ay doonayso baabi'inta dadaaladii nabadda ee uu garwadeenka ka ahaa ururka NATO.



Turkiga iyo Gariigga oo xubin ka ah NATO ayaa ku muransan gaaska iyo saliidda dhax ceegaaga bariga badda Mediterranean-ka, xukuumadda Athiina ayaa aaggan lagu murunsanyahay u aragto in ay ku jirto madaxbanaanideeda.

Bishii Agoosto ee lasoo dhaafay Turkigu wuxuu bariga badda udiray markab shidaal baaris oo ay wehliyaan kuwa dagaal arrinkaas oo sababay in Xiisaddu ayaa cirka isku sii shareerto dhammaadkii Agoosto.

labadan dowladood oo loolan soo jireen ah uu ka dhaxeeyay ayaa qabtay noolatusyo melleteri oo iskasoo horjeeda waxayna biyaha badda kumarti qaadeen quwado shisheeye oo dhinacyada lakala safan

Related Items