Dagaal ka dhacay Afmadoow iyo askari lagu dilay duleedka Kismaayo.

Tuesday October 13, 2020 - 11:54:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal ka dhacay Afmadoow iyo askari lagu dilay duleedka Kismaayo.

    Dagaallo culus ayaa markale dib uga qarxay deegaanno iyo deegaanno katirsan gobolka Jubada Hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir weerar ka dhacay duleedka Afmadoow
Dagaallo culus ayaa markale dib uga qarxay deegaanno iyo deegaanno katirsan gobolka Jubada Hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.


Dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayaa xalay fiidkii weerar culus saldhig ay maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe uga sugnaayeen degmada Afmadoow.

Warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in dagaal culus uu labada dhinac ku dhaxmaray gudaha Afmadoow waxaana la maqlayay daryanka rasaas aad uxooggan oo labada dhinac isdhaafsanayeen.

Dhinaca kale weerar shalay gelinkii dambe lagu qaaday ciidamo ku socdaalayay deegaanka Yoontooy ee duleedka Kismaayo ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan hal askari lagu dilay weerarka, dagaalyahanada Al Shabaab ayaa rasaas huwiyay gaari Tiknika ah oo wadada laamiga ah ku socdaalayay waxayna rasaastaasi haleeshay askari kaasi oo meydkiisa wadada lagu arkay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada laweeraray oo kasoo baxay Buula Guduud kunasii jeeday Kismaayo ay safarkooda hakiyeen iyagoo dib ugu laabtay halkii ay kasoo kicitimeen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items