Mid kamida xubnaha maamulka 'Jubbaland' oo Muqdisho lagu dilay.

Tuesday October 13, 2020 - 17:52:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid kamida xubnaha maamulka 'Jubbaland' oo Muqdisho lagu dilay.

    Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dil saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolla Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dil saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolla Banaadir.


Rag hubaysan ayaa maanta duhurkii xaafadda Tusbaxle ee degmada Dayniile ku dilay mid kamida Ergadii wax kasoo dhisay maamulka isku magacaabay 'Jubbaland'.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in rag hubaysan ay toogteen Aadan Kaali oo kamid ahaa xubnihii firfircoonaa ee waxkasoo dhisay maamulka Axmed Madoobe.

Xoogagii dilka geystay ayaa si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqay, Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka ka dhacay degmada Dayniile.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items