Taliye ay isku dhowaayeen Xasan Cali Kheyre oo shaqada laga eryay.

Wednesday October 14, 2020 - 18:53:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye ay isku dhowaayeen Xasan Cali Kheyre oo shaqada laga eryay.

    Max'med Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha dowaldda Federaalka ayaa shaqada ka eryay sarkaalkii ugu sarreeyay maleeshiyaadka Mareykanku tababaray ee Bangaraafta loo yaqaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Max'med Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha dowaldda Federaalka ayaa shaqada ka eryay sarkaalkii ugu sarreeyay maleeshiyaadka Mareykanku tababaray ee Bangaraafta loo yaqaan.


War rasmi ah oo kasoo baxay dowlada Federaalka ayaa lagu sheegay in xilkii uu hayay laga qaaday Gaashaanlle Ismaaciil Cabdi Maalik oo ahaa taliyaha ciidamada soomaalida ee Mareykanku tababaray.

Sarkaalka la eryay ayaa bilihii lasoo dhaafay ku xirnaa xabsi kuyaal gudaha wasaaradda Gaashaandhigga waxaana xarigiisa mas'uul ka ahaa Farmaajo, warar lagu kalsooyahay waxay sheegayaan in xariga taliyihii Danab uu ahaa mid siyaasadaysan.


Farmaajo ayaa taliye Ismaaciil u arkay mid halis ku ah xiligii uu khilaafka ba'an kala dhaxeeyay Xasan Cali Kheyre.

Taliyaha cusub ee Maleeshiyaadka Mareykanku ku tababaray Balidoogle ayaa loo magacaabay Gaashaanlle Axmed Beeryare waxaa xusid mudan in ciidamadan uu Mareykanku ku adeegto isagoona bixiya mushaarkooda iyo qalabayntooda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items