Qarax ciidamada AMISOM lagula beegsaday deegaan katirsan Sh/hoose.

Wednesday October 14, 2020 - 18:57:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax ciidamada AMISOM lagula beegsaday deegaan katirsan Sh/hoose.

    Weerar hor leh oo khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada shisheeyaha AMISOM ayaa lagasoo sheegayaa deegaan dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar hor leh oo khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada shisheeyaha AMISOM ayaa lagasoo sheegayaa deegaan dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya wadada xiriirisa deegaannada Shalaambood iyo Buula Mareer ayaa sheegaya in halkaas dhowr qarax lagula beegsaday kolonyo ciidamo AMISOM ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta qaraxyo waaweyn waxaana xigay rasaas ay fureen ciidamada la weeraray, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa lala helay ciidamo Yugaandheys ah oo wadada hareeraheeda ku lugeynayay.

Qaraxa oo ka dhacay meel ku dhow deegaanka Danoow ayaa imaanaya xilli kolonyo gaadiid ah oo saad ugelbiyay saldhigga AMISOM ee Buula Mareer ah ay shalay illaa iyo maanta lakulmayaan weeraro isku xiran.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items